Sifada Jaceylka

 

Sifada Jaceylka

By Abwaan Mohamed Ismail (Maaxsame)

Sahal looma heloo, waa sir iyo xeel dheeroo,

Samid iyo dulqaad baan, lagu saaraa jaceylkee.

 

Sinaan laguma helo, ruuxna si gooniya weeye,

Su’aalo badan baa jira, lagana saari maayee.

 

Sahal waa inuu yahay, haddii laysu sinnaado,

Sidii neecaw udgoon, qalbiga soo simaayee.

 

Sheekadiisu waa dheer, socodkiisuna waa culus,

Sagaashan laga helaa, kow la seegay mooyee.

 

Sadriga ayuu dagaa, marna wuu sahwiyaa,

Sifaha loola dhaqmaa, waa sir lagu kasbanaayee.

 

Soon iyo salaad baan, kugu sugayaa jaceylow,

Sidayda ma dareentaa, mise waad iga seexatay?

Post a Comment

Previous Post Next Post